Talk:Kulmiye Peace, Unity, and Development Party

Page contents not supported in other languages.
From Wikipedia, the free encyclopedia

From The Article[edit]

Xisbiga Kulmiye waa maqaaxi ay Isu Booddada Habar Jeclo iyo Habar Awal, gaar ahaan Muuseyaasha Isu Booday (waa sidii ay 1989/1990 Balli Gubadle kaga dhawaaqeene) ee Muuse Sh Isaxaaq iyo Muuse Subeer, ay leeyihiin oo Siilaanyona uu kolba sidii uu doono u maamulaayo! Tusaale ahaan, markuu doono ayuu Siilaanyo muddalabka shaaha eryaa! Sharciyadana maqaaxidana waxaa ka mid ah inaan reeraha qaar, sida HY, masuul ka qaban karin - haba yaraatee!

Imminkana HA badan ayaa meesha iska soo buuxiyey - sidii maqsin jaad oo shacabka Hargeysa looga furay!! Sheekadoo dhammina waxay u dhaceysaa Garxejis, gaar ahaan Habar Yoonis, oo ay waagii 'Isu Booddada', 'Muuseyaasha Isu Booday' ama 'Jeegaanta' ay reerahani isu baheysteen!!!

Kii Ina Biixi ayaaba hadda guddoomiye ku xigaan ay u doorteen ergo-ku-sheeg Siilaanyo si khaas ah u soo xushay, gaar ahaan qurbo-joog aan waxba ka ogeyn kana aqoonin Siilaanyo, Ina Biixi, Calan Cas iyo taariikhdii dalku soo maray toona!

Sidoo kale, musharraxiin badan oo Habar Awal iyo Habar Jeclo oo Dhego Weyne iyo dar kale ka mid yihiin ayaa jagooyinka sare eg guddoomiye, guddoomiye-ku-xigeen iwn isu soo sharraxay! Taas waxaa ka sii daran, madax-ku-sheegta iyo dadka masuuliyadaha sare haya oo dhammina waa Habar Jeclo iyo Habar Awal, gaar ahaan Sacad Muuse oo ay reerohooda oo qudhi soo doorteen - waayo xisbi-ku-sheegga cid kale kuma jirto, shirweynahana laguma casuumin (sida shirarka Kulmiye oo dhan ka dhacda)!!

Qof keliya oo Arab, Ciida Gale, Habar Yoonis, Ayuub, Tol jeclo ahi toona kuma jiro - haba yaraatee! Xitaa Ciise Muuse ayaa ku yar, inkastoo ay dadka Is bahystay ka mid yihiin!

Siilaanyo, Ina Biixi iwm ujeeddadoodu waa kursi uun! Gaar ahaan kursi iyo xukun ay Garxejis iwm kaga ciil beelaan ama ku aargoostaan reero ahaan!!

Ina Biixi waa ninkii ku jawaabi jirey "Xeebtaa Batalaale, Berbera ayaan doonayaa inaan khamriga xorriyad ugu cabbo..." marka la weydiiyo "Maxaad SNM u soo gashay...?" ama mujaahidiinta kale yidhaahdaan "Anigu SNM waxaan ugu soo biiray inaan dawlad caddaalad, sinnaan, Muslinnimo iwm ku dhisan sameeyo..."!

Siilaanyona waa Ina Yeygii 2aad markay kursi iyo madaxnimo timaaddo!! Eeg inta jago ee uu isku wada haysto: Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Xogyaha Guud ee Guddiga Fulinta, Guddoomiyaha Golaha Dhexe, Qabanqaabiyaha Shirweyneyaasha/shirarka Xisbiga Kulmiye, Soo Doortaha Ka Qeybgalayaasha Shirarka Kulmiye, Guddoomiyaha Siyaasadda, Dhaqaalaha, Doorashooyinka iwm Xisbiga, Taliyaha SNM, mujaahidka keliya ee la sheegi karo (Allah maxaa taariikh iska ba'day!!!) ...

Waxay ku xusuusineysaa sheekadii Afweyne Barre oo Siilaanyo macallinkiisa ahaa: Sarreeye Gaas Jaalle Maxamed Siyaad Barre oo ah: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Soomaaliyeed, Isla maarkaana ah Taliyaha Guud ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Isla Markaana ah Xogyaha Guud ee Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed, Isla Markaana ah Guddoomiyaha Gole Sare ee Kacaanka Soomaaliyeed, Isla markaana ah Aabbaha Ummadda Soomaaliyeed ... Isla markaana habartiisu tahay Guddoomiyaha Haweenka Soomaaliyeed ---

Somaliland Kulmiye Peace Unity & Development Party Key Tech Broadband (talk) 19:03, 13 July 2017 (UTC)[reply]

Somaliland Kulmiye Peace Unity & Development Party[edit]

Somaliland General Presidential Election 2017 Kulmiye Party Mouse Bihi Abdi has leading electoral of somaliland Key Tech Broadband (talk) 19:09, 13 July 2017 (UTC)[reply]