Jump to content

User:Afrax258

From Wikipedia, the free encyclopedia

Dhirta xididka hoosaa Dhulka loogu beeree Waa dhici lahaayeene Dhismahooda weeyee Kii dhaba jacaylkuna Halkii kama dhaqaaqoo Dhidib baa u aasan Waa sida dhillow-yahan Intuu laan isaga dhagay Dhexda loogu marayoo Dhoqso uga baxayee Kii dhaba jacaylkuna Lama kala dhantaaloo Lafuhuu dhammeeyaa Sida dhudaha weeyaan Isu dheellitiranoo Mid ba dhan u baxaysoo Dhinaca isa saaree Kii dhaba Jacaylkuna Waa dhaqan-wadaag iyo Isu dhaarasho daacada Sida dhalanka weeyaan Dheehaa caleentee Ubax wada dhalaaliyo Dhinbishaa haraysee Kol hadduu dhulman yahay Kala dhuuman maynee Waagaa dharaar noqon Kii dhaba jacaylkuna Lama kala dhantaaloo Lafuhuu dhammeeyaa